Skip to main content

Find food near you

Ku raaxayso cunto cusub/daray ah oo dheeraad ah oo ka baxday Oregon oo leh SNAP Double Up Food Bucks (SOM)

Fresh produce that you can get for free with Oregon Food Stamps.

Ma ogeyd in aad guriga u soo qaadan karto labanlaabka miro iyo khudaar degaanka ka baxday oo cusub/daray ah — iyada oo aanay jirin kharash dheeraad ah oo uu bixinayo qoyskaagu?

Marka aad isticmaasho kaarkaaga Cayrta ee Oregon EBT (oo sidoo kale loo yaqaano “SNAP” ama “food stamps”) adiga oo jooga suuqyada beeraleyda ee wax ka qayb qaadanaya iyo dukaamada cuntada, barnaamijka SNAP Double Up Food Bucks wuxuu labanlaabaa doolar kasta oo aad kharash gareyso. Barnaamijku waa mid ka shaqeynaya goobo tiro badan oo ku yaala Oregon, oo ay ku jiraan dukaamada sida madaxa banaan loo leeyahay oo bixiya cuntooyin kala duwan oo dhaqan ahaan la yaqaano, oo mid dhaqameed ah. Waxaad xataa u isticmaali kartaa Double Up qiime dhimis weyn oo ku saabsan xubinimadaada beerta la wadaago ee sanadlaha ah (CSA)!

Ilahani waxay diiradda saaraan gargaarada SNAP Double Up Food Bucks ee loogu talagalay dadka degan Oregon. Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa gargaaradaada Oregon SNAP EBT si aad miro iyo khudaar badan uga hesho goobahani ku yaala Washington ama Idaho.

Halkan Aan Ka Bilowno

Volunteer: Sign UpA raised fist holding a pencil. Illustration.

Sidee baan u heli karaa Double Up Food Bucks?

Haddii aad taqaano SNAP oo aad rabto in aad ogaato waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan Double Up, waxaad waxyaabo dheeraad ah ka ogaan kartaa halkani:

SIDA AY U SHAQEYSO

Find Support: Network

Halkee baan ka isticmaali karaa Double Up Food Bucks?

Haddii aad raadinayso dukaamada degaanka iyo suuqyada beeraleyda oo qaata Double Up, khariidadani wax laga raadin karo ayaa wax caawin karta:

RAADI GOOBAHA U DHOW

Find Support: Free Food

Miyaan u qalmaa Gargaarada SNAP?

Haddii aadan hubin in aad u qalanto gargaarada, halkan waxaa ku qoran qalab waxtar leh oo aad isticmaali karto si aad u ogaato haddii aad u qalanto:

HUBI U QALMIDA

Haddii aad hayso su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan SNAP Double Up Food Bucks ama sida barnaamijku u caawin karo qoyskaaga, sii wad wax akhriska!

Sida ay u shaqeyso

Oregon SNAP can get you more fresh produce.

Double Up Food Bucks marka la joogo Suuqyada Beeraleyda

Isticmaal astaamaha ‘tokens’ ama kuubanada ‘coupons’ Double Up oo doolar-doolar ahaan la is waafajinayo oo gaaraysa $20 si loogu kharash gareeyo miraha, khudaarta ama dhirta yaryar ee khudaarta ah/abuurka.

OGOW WAXYAABO DHEERAAD AH

Get double the produce at farmers markets, grocery stores and CSAs with Oregon EBT

Double Up Food Bucks marka la joogo Dukaamada Cuntada

Weydii qof shaqaale ah oo joogo dukaanka cuntada ee wax ka qayb qaadanaya si aad u ogaato sida aad Double Up ugu isticmaali karto goobtaasi. Marka la joogo dukaamada cuntada, waxaad dhici karta in aad hesho Double Up adiga oo adeegsanaya kuuban ‘coupon’, kaarka dukaanka, ama qiime dhimis toos ah.

OGOW WAXYAABO DHEERAAD AH

Get more shallots and onions with your food stamps in Oregon.

Double Up Food Bucks marka la joogo Beerta La wadaago / CSA

Ka dib marka la buuxiyo foom kooban, Double Up Food Bucks waxaa si toos ah loogu dabaqi karaa dalabka cuntadaada, iyada oo la isticmaalayo Kaarkaaga Oregon Trail ee gargaarada cuntada SNAP.

OGOW WAXYAABO DHEERAAD AH

Su’aalaha Inta Badan la Isweydiiyo

Maxay dhab ahaantii yihiin SNAP Double Up Food Bucks?

Laga soo qaatay tusaalaha qaranka ee Fair Food Network, Oregon Double Up Food Bucks wuxuu u fududeeyaa dadka dakhligoodu hooseeyo ee reer Oregon in ay cunaan miro iyo khudaar badan iyada oo la taageerayo beeraleyda qoyska iyo dhaqaalaha deegaanka. Double Up waa barnaamijkii u horreeyay Oregon ee abaalmarinta lacageed ‘incentive’ ee gobolka oo dhan, oo loogu talagalay in uu noqdo mid ku habboon soo adeegtayaasha ‘shoppers’. Barnaamijku wuxuu labanlaabaa qiimaha gargaarada Barnaamijka Gargaarada Nafaqada Dheeraadka ah (oo mararka qaarkood loo yaqaano “SNAP” ama “food stamps”) ee la joogo suuqyada beeraleyda ee wax ka qayb qaadanaya iyo dukaamada cuntada, iyo beeraha CSA (Beeraleyda Bulshadu Taageerto) si ay soo adeegtayaashu ‘shoppers’ guriga ugu soo qaadan karaan cunto cusub/daray ah. Double Up waxaa hadda la joogo laga bixiyaa inka badan 85 oo ah goobaha suuqa beeraleyda, 35 ah dukaamada cuntada iyo in ka badan 40 ah beeraha CSA oo ku yaala gobolka oo dhan — iyada oo goobo cusubi ay ku soo biirayaan barnaamijka sanad kasta.

Sidee buu Double Up xiriir ula leeyahay SNAP?

Barnaamijka Gargaarada Nafaqada Dheeraadka ah (SNAP) waa barnaamij dowladdu maalgeliso oo loogu talagalay gadashada cuntada marka dakhligu hooseeyo. Gargaarada ayaa lagu shubaa wax loo yaqaan kaarka SNAP EBT, qaarna waxay ku tilmaamaan in uu yahay “Oregon Trail Card”. Kaarku wuxuu u dhaqmaa oo yahay sida kaarka debit-ka oo kale, laakiin lacagta waxaa lagu sharash gareyn karaa oo kaliya waxyaabaha cuntada ka kooban.

Kaarka EBT ee qof kasta wuxuu leeyahay qaddar lacageed oo kala duwan oo ku lifaaqan iyada oo ku saleysan dakhligooda shakhsi ahaaneed iyo xaalada qoyska — oo gaaraya ilaa $234 bil kasta oo loogu talagalay guri ka kooban hal qof oo kaliya ama $782 oo loogu talagalay qoys ka kooban afar qof. Waxaad heli doontaa faahfaahin marka codsigaaga la oggolaado. Bil kasta oo aad ka diiwaan gashan tahay barnaamijka SNAP, qaddarkani lacageed ayaa lagu dari doonaa kaarkaaga waxaana loo isticmaali karaa in lagu gato cunto. Lacag kasta oo aan la isticmaalin ayaa la helayaa muddo ilaa hal sano ah laga soo bilaabo taariikhda lagu daray kaarkaaga.

Intaasi waxaa dheer, in dukaamo iyo suuqyada beeraleyda oo badan ay ka qayb qaataan barnaamijka Double Up Food Bucks ee loogu talagalay dadka hela SNAP, kuwaasi oo lacag u dhiganta oo gaaraysa $20 maalin kasta lagu daro dhanka miraha iyo khudaarta degaanka ka baxday. Marka dadka haysta kaarka SNAP ay miro iyo khudaar cusub/daray ah ka soo adeegtaan dukaamada wax ka qayb qaadanaya, suuqyada beeraleyda, iyo iskaashatada cuntada waxay helaan $1 oo ah Double Up ee $1 SNAP ee kasta ee ay kharash gareeyaan. Halkan riix wixii la xiriira khariidada dukaamada wax ka qayb qaadanaya, oo lagu raadin karo zip code ahaan.

Maxaan u isticmaali karaa gargaarada SNAP Double Up Food Bucks?

Marka la joogo dukaamada cuntada Double Up waxaa loo isticmaali karaa in lagu gato:

  • Miro & Khudaar Cusub/Daray ah

  • Caleen Cusub

  • Mushrooms

  • Khudaarta, Caleenta ama Miraha Dhirta Yaryar

  • Khudaarta, Caleenta ama Miraha Dhirta Abuurka ah

Marka la joogo suuqyada beeraleyda Double Up waxaa loo isticmaali karaa:

  • Miro & Khudaar Cusub/Daray ah

  • Caleen Cusub

  • Miro & Khudaar Cusub La Qaboojiyay oo La qalajiyay

  • Mushrooms

  • Digir

  • Khudaarta, Caleenta ama Miraha Dhirta Yaryar

  • Khudaarta, Caleenta ama Miraha Dhirta Abuurka ah

Double Up looma isticmaali karo:

  • Wixii ka kooban miro ama khudaar leh cusbo lagu daray, sonkor, dufan, ama saliid.

  • Tusaale Miraha ama khudaarka qasacadeysan, xirmooyinka saladhka ee bacaha ku jira, koobabka miraha ama cabitaannada leh sonkor lagu daray

Haddii aad u baahan tahay gargaarada cuntada oo ka baxsan waxay ay bixiso SNAP Double Up, qalabkayaga FoodFinder ayaa ah meel wanaagsan oo wax laga bilaabo! Nidaamka Oregon Food Bank ee suuqyada cuntada lacag la’aanta ah, goobaha cuntada lagu keydiyo ama cuntadu waxay xaqiijiyaan helitaanka qaar ka mid ah ilaha aysan daboolin SNAP.
Yaa u qalma gargaarada SNAP Double Up Food Bucks?

Double Up Food Bucks waxaa heli kara dhammaan isticmaalayaasha SNAP, iyada oo aan la eegayn halka uu kaarkaagu ka yimid. Tusaale ahaan, macaamiisha haysata kaarka Washington SNAP waxay gargaarada Double Up ka dalban karaan dukaanka cuntada oo ku yaala Oregon ama suuqa beeraleyda. Halkan ka ogow waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan Double Up Food Bucks

Ogow in qaddarka maalgelinta muhiimka ah ee SNAP ee aad hesho ay ku saleysan tahay dakhligaaga iyo tirada dadka ku nool gurigaaga — dadka aad la wadaagto cuntooyinka aad soo gadato. Laakiin qof walbaa wuxuu u qalmaa Double Up ugu badan ee la is waafajinayo, iyada oo ku saleysan goobta aad ka soo adeeganeyso. Ka fiiri boggayaga ilaha wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tilmaamaha u qalmida SNAP.

Sidee baa Double Up Food Bucks loo maalgeliyaa oo uu u shaqeeyaa?

Double Up Food Bucks waxaa suurtagal ka dhigay iyada oo la adeegsanayo iskaashi u dhexeeya Oregon Food Bank, Maalgelinta Suuqa Beeraleyda, Isbahaysiga Pacific Northwest CSA, iyo Ururka Suuqyada Beeraleyda Oregon. Inaga oo wadajirna waxaanu taageernaa Double Up oo ka jira inka badan 85 oo ah goobaha suuqa beeraleyda, 35 ah dukaamada cuntada iyo in ka badan 40 beerood oo ku yaala gobolka oo dhan.

Damaanad qaadayaasheena gaarka ah, ururada iyo bulshada ayaa noo oggolaaday in aan kobacno oo noqono urur ka jira gobolka oo dhan oo horumar gaaraya oo kumanaan ka tirsan xubnaha bulshada ee dakhligoodu hooseeyo siiya cunto nafaqo leh oo laga helo suuqyada degaanka iyo soo saarayaasha cuntada. Double Up waxaa sidoo kale taageera Barnaamijka Deeqda ah ee Gus Schumacher Nutrition Incentive ee lambarkiisu yahay 2020-70030-33183 / 1024374 iyo 2022-70415-38570 / 1029309 ee ka socda Machadka Qaranka ee Cuntada iyo Beeraha USDA Agriculture — iyo sidoo kale Barnaamijka Deeqda ee Gus Schumacher Nutrition Incentive Program Covid Relief & Response ee lambarkiisu yahay 2021-70034-35369 / 1027071.

Sidee baan u isticmaalaa Double Up marka la joogo dukaamada cuntada?

Waxaad isticmaali kartaa lacagta Double Up marka aad waxyaabo loo qalmo ka gadanayso dukaamada cuntada ee wax ka qayb qaadanaya oo ku yaala gobolka oo dhan. Kaliya kaarkaaga SNAP EBT u soo qaado dukaanka cuntada ee wax ka qayb qaadanaya oo soo adeego miraha iyo khudaarta cusub/daray ah oo aad jeceshahay. $1 ee kasta ee SNAP ee aad kharash gareyso, waxaad heli doontaa $1 oo ah Double Up Food Bucks oo si aad ugu kharash gareyso miro iyo khudaar cusub/daray ah oo badan, oo gaaraysa $20 hal kii marka ee wax la iibsado ‘transaction’. Marka la joogo dukaamada cuntada, waxaad dhici karta in aad hesho Double Up adiga oo adeegsanaya kuuban ‘coupon’, kaarka dukaanka, ama qiime dhimis toos ah. Weydii lacag-haye ama qof shaqaale ah oo jooga dukaanka wax ka qayb qaadanaya si aad u ogaato sida saxda ah ee Double Up looga helo goobtaasi. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida Double Up looga isticmaalo dukaanka cuntada ayaa laga helayaa website-ka Double Up Food Bucks.

Sidee buu Double Up uga shaqeeya suuqyada beeraleyda?

Waxaad isticmaali kartaa lacagta Double Up marka aad waxyaabo loo qalmo ka gadanayso suuqyada beeraleyda ee wax ka qayb qaadanaya oo ku yaala gobolka oo dhan. Kaliya kaarkaaga SNAP EBT u soo qaado suuqa beeraleyda ee wax ka qayb qaadanaya oo booqo miiska macluumaadka ka hor inta aadan bilaabin soo adeegashada. $1 ee kasta ee SNAP ee aad kharash gareyso, waxaad heli doontaa $1 oo ah Double Up Food Bucks oo si aad ugu kharash gareyso miro iyo khudaar cusub/daray ah oo badan, oo gaaraysa $20 hal kii marka ee wax la iibsado ‘transaction’. Tusaale ahaan: haddii aad kharash gareyso $20 oo ah gargaarada SNAP, waxaad heli doontaa $20 dheeraad ah oo bilaash ah oo aad u isticmaali karto in aad ku gadato cunto dheeraad ah.

Marka la joogo suuqyada beeraleyda intooda badan, astaamaha ‘tokens’/kuubanada ‘coupons’ waxay u dhigmaan uu qiimahoodu yahay $2 midkiiba, markaa wax ku gadashada qiimaha lacag go’an oo aan sarif lahayn ‘even dollar’ ee gargaarada SNAP waxay xaqiijinaysaa in aad heli karto isku dhignaan buuxda ‘full match’. Tusaale ahaan: haddii aad $5 oo ah SNAP u isticmaasho waxa aad soo gadanayso, waxaad kaliya heli doontaa $4 oo ah Double Up; laakiin haddii aad codsato $6 oo ah SNAP, waxaad heli doontaa $6 oo buuxda oo ah Double Up.

Iswaafajinta tirada guud ee maalin kasta ee Double Up way kala duwan tahay iyada oo ku saleysan goobta uu ku yaalo suuqa beeraleydu. Fiiri liiska buuxa ee dukaamada cuntada ee wax ka qayb qaadanaya, suuqyada beeraleyda iyo CSA-yada si aad u ogaato xaddidaada iswaafajinta maalin kasta ee halka aad ka soo adeeganayso. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida Double Up looga isticmaalo suuqada beeraleyda ayaa laga helayaa website-ka Double Up Food Bucks.

Sidee baan Double Up Food Bucks ugu helaa barnaamijka Beeraleyda Bulshadaydu Taageerto (CSA)?

Barnaamijyada CSA waa sida wargeys la isqoro, laakiin loogu talagalay cuntada! Toddobaad kasta beeraleydaada ayaa cuntooyin kala duwan oo cusub/daray ah, oo nafaqo leh keeni doona goobo ku habboon oo ku yaala xaafadaada. Marka aad isticmaasho gargaarada cuntada SNAP adiga oo adeegsanaya Kaarkaaga Oregon Trail si aad CSA/farmshare uga soo gadato beer ka qayb qaadanaysa, Double Up Food Bucks waxaa si toos ah loogu dabaqaa lacag bixintaada. Waxaa jiri kara foom kooban oo la saxiixayo oo boosta dib loogu soo dirayo, laakiin habka guud waa mid fudud oo sahlan. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo isticmaalo Double Up ee loogu talagalay CSA ayaa laga helayaa Isbahaysiga Pacific Northwest CSA.

Waayo-aragnimadaada iyo Wax u doodistoodu Waa Muhiim!

Waxaan dadka wajahaya gaajada ku haynaa oo bartamaha kaga jiraan go’aan kasta oo aan gaarno.

Barnaamijyada sida Double Up Food Bucks waa kuwo aad muhiim ugu ah xaqiijinta in aan dhammaanteen heli karno cunto caafimaad qabta. Haddana tobanaan sano oo waayo-aragnimo ah ayaa noo sheegaysa in gargaarka cuntada oo kaliya ahi uusan ku filnayn in uu si dhab ah ugu joojiyo gaajada. Taasi waa sababta aan aad ugu shaqeyno in aan beddelno siyaasadaha iyo nidaamyada keena gaajada bulshooyinkeena. Isku diiwaan geli farriimaha digniinta si aad u ogaato sida aad ugu lug yeelan karto dagaalka lagu cirib tirayo gaajada iyo xiddidadeeda.


Sida waafaqsan sharciga xuquuqaha madaniga ah ee federaalka iyo sharciyada iyo qaynuunada xuquuqaha madaniga ah ee Waaxda Beeraha ee Mareykanka (USDA), hay’adan waxaa ka mamnuuc ah takoorida ku salysan isirka, midabka, asalka qaran, jinsiga, (oo ay ku jiraan, aqoonsiga jinsiga iyo nooca jinsiga), caqiidada diimeed, naafonimada, da’da, aaminsanaanta siyaasadeed, ama aargoosiga ama aargudashada hawlo hore oo xuquuqaha madaniga ah.

Macluumaadka barnaamijka waxaa lagu heli karaa luuqado aan ahayn Ingiriisiga. Shaqsiyaadka naafada ah ee u baahan qaab kale oo wada xidhiidh si ay u helaan macluumaadka barnaamijka (tusaale, Hab qoraaleedka camoolaha, daabicidda farta waaweyn, cajalada maqalka, Luuqadda Dhagoolka ee Maraykanka), waa inay la xidhiidhaan hay’adda (gobalka ama deegaanka) ee ay dheefaha ka codsadeen. Shakhsiyaadka dhagaha la’, maqalka ku adag yahay ama hadalka naafo ka ah ayaa la xidhidhi kara USDA iyaga oo u maraya Federal Relay Service (Adeegga Dadka Dhagaha la’ ee Federaalka) ee lambarka (800) 877-8339.

Si loo gudbiyo dacwada takoorka ee barnaamijka, Dacwad-qabaha waa inuu buuxiyo Foomka AD-3027, Foomka Dacwada Takoorka Barnaamijka ee USDA kaas oo onleen ahaan looga heli karo barta: https://www.fns.usda.gov/sites..., xafiis kasta oo USDA ay leedahay , iyada oo la wacayo (833) 620-1071, ama la qorayo warqad ku socota USDA. Warqadda waa inay leedahay magaca, ciwaanka, lambarka taleefanka ee dacwadqabaha, iyo sharraxaad qoraal ah oo ku saabsan falka takoorka ah ee la soo eedeeyay oo faahfaahsan si loogu wargaliyo Kaaliyaha Xoghayaha ee Xuquuqaha Madaniga (ASCR) nooca iyo taariikhda xadgudubka xuquuqda madaniga ah ee la soo eedeeyay. Foomka AD-3027 ee la buuxiyay ama warqadda waa in lagu diraa;

1. boostada:
Food and Nutrition Service, USDA
1320 Braddock Place, Room 334
Alexandria, VA 22314; ama

2. fakiska:
(833)-256-1665 ama (202)-690-7442; ama

3. iimaylka:
FNSCIVILRIGHTSCOMPLAINTS@usda.gov
Hay’addan waa hay’ad bixisa fursad loo wada siman yahay.

Related posts

News

Honoring National Jewish Heritage Month: Reflections on Resilience and Community

News

Resources and Action to Help End Summer Hunger

News

Six Insights from Leaders this AAPI Heritage Month

Email sign-up

Stay connected

Sign up to receive emails with updates, resources and ways to get involved.